Dr Gabboose oo Farriin Dhiillo Xambaarsan u diray Madaxweyne Biixi, Khatarta cudurka Covid-19 ka digay

 

Hargeysa (SLpost)- Dr Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa iftiimiyey saamaynta uu QAADKU ku yeelan karo Fiditaanka Xannuunka Covid-19 oo sababaha u badan ee uu caalamka ugu baahay ku micneeyey isu-socodka badeecadaha isaga gudba dalalka dunida.

Dr Gaboose oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in arrinta ugu khatarsan ee xannuunka Covid-19 ugu fidi karo gudaha Somaliland uu noqon karo badeecadda Qaadka ee laga soo waarido dalka Ethiopia oo cudurkani ku baahay, waxaanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu qaado tallaabo uu ku joojinayo Qaadka, iyadoo dhaqaalaha ka soo xeroota laga horeysiiyo fayo-qabka caafimaad ee Bulshada.

Waxa uu Dr Gaboobe walaac ka muujiyey saamaynta uu xannuunkani ku yeelan karo Bulshada haddii uu ku fido dalka, isagoo sheegay inaanay dalku awood u lahayn inuu la tacaalo cudurka sababo la xidhiidha awood dhaqaale iyo Aqoon Caafimaad oo laysaga caabbiyo cudurka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Dr Gabboose