Dr Edna Aadan oo Khudbad ay waayaheedii nololeed kaga sheekaysay ka jeedisay Munaasibad dhiiirrigelin ah oo Maamulka Dugsiga Sare ee Sh. Cali Ibraahim Hablaha Dugsigaas +

Hargeysa (SLpost)- Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa khudbad dhiirrigelin ah oo ay si qoto-dheer ugaga hadashay muhiimadda waxbarashadu u leedahay iyo wax-tarka ay gabadha Aqoonta leh bulshadeeda u leedahay u jeedisay Hablaha wax ka barta dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad ay soo qaban-qaabiyeen maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Hablaha ah ee Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim oo lagu qabtay isla Xarunta dugsigaas, taas oo qayb ka ah qorsheyaal lagu dhiirri-gelinayo waxbrashada habalaha, ayaa lagu marti-qaaday Drs Edna Aadan Ismaaciil, waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa masuuliyiin sare-sare oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo sidoo kale hay’adda Waxbarashada Africa ee AET, Waalidiinta iyo Hablaha wax ka barta dugsigaas.

sheekh cali ibraahim (3)Ugu horeyn, waxa furitaanka munaasibadda ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Ibraahim (Biyo-dhacay Sare) Maxamed Axmed Cali (Jamhuuriya) oo sharraxaad kooban ka bixiyey ujeeddada munaasibadda loo qabtay, waxaanu halkaas hadallo waano u jeediyey Hablaha loo qabtay munaasibadda dhiirrigelinta ah.

Waxa uu Maamule Maxamed Axmed Cali ka hadlay kaalinta ay habluhu ku leeyihiin waxbarashada dalka, isagoo sheegay in habluhu ay wiilasha kaga horreeyaan waxbarashada isla markaana ay kaalin wanaagsan ka gaadheen, kaalmaha horena ka galeen imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka sannadihii u dambeeyey, isagoo si gaar ah u xusay hablaha wax ka barta dugsiga uu maamulaha ka yahay ee Sheekh Cali Ibraahim.

Waxa kale oo xafladda ka hadlay masuuliyiin ka socday wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo si gaar-gaar ah u sharraxay muhiimadda waxbarashada Gabadhuhu u leedahay horumarka iyo jahli-la dagaalanka bulshada dhexdeeda. Gudoomiyaha Waxbrashada ee Bariga Gobolka Maroodijeex Ismaaciil Dhubato ayaa hadallo dhiirrigelin iyo dar-daaran xambaarsan uga soo jeediyey hablaha loo qabtay munaasibadda.

sheekh cali ibraahim (6)Hablaha wax ka barta dugsiga qaarkood, ayaa munaasibadda ku soo bandhigay hal-abuurnimo-suugaaneed Eebbe hibo u siiyey, iyagoo halkaas ka akhriyey Tixo-suugaaneed ay kaga hadleen halista ay dhalinyarada u leeyihiin Aafooyinka Tahriibta, Jahliga iyo Xannuunada laysku gudbiyo.

Deeqa Nuux Yoonis oo ka mid ah Ardayda dugsigaas ee hibada u leh hal-abuurka suugaanta, ayaa halkaas Hadyad sharafeed ku guddoonsiisay Aqoonyahanad Dr Edna Aadan Ismaaciil oo Qaybta ugu weyn ku lahayd ujeeddada loo qabtay munaasibadda.

sheekh cali ibraahim (4)Gebo-gabadii munaasibadda, waxa khudbad dheer oo xambaarsan dhiirrigelin iyo xog-warran ku saabsan waayihii ay u soo martay waxbarashadeeda iyo heerka ay maanta taagan tahay ka jeedisay Dr Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah Haldoorka haweenka Soomaalida isla markaana ahayd hablihii u horreeyey ee nasiib u yeeshay inay waxbrasho helaan xilligii guumaystihii Ingiriiska.

DSC_0146Dr Edna Aadan waxa ay si qoto-dheer u sharraxday taariikh nololeedkeeda iyo noloshii ay ku soo kortay, waxbarashadii ay nasiibka u heshay iyadoo aanay jirin wakhtigaas hablo ku jira goobihii waxbarashada dalka ee xilligaas, iyadoo ardayda uga sheekaysay waayihii Iyo duruuftii ay wax ku soo baratay, hankii Iyo Himiladii ay ku soo gaadhay heerka ay maanta marayso ay tahay Samir iyo inay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta bulshadeeda.