Hargaysa(Slpost):-Waxa goor dhawayd magaalada Hargaysa ku geeriyoodday Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta waa wayn ee Somaliland,kadib markii uu u geeriyoodday xanuun si kedis ah ugu soo boodday.
![]() |
Dr. Cumar Cilmi Dixood waxa uu ka mid ahaa dhawrkii qof ee Aasaasay ururkii SNM, waxaanna ka mid ahaa siyaasiyiintii doorka wanaagsan ka soo qaatay Nabaddayntii iyo dib u dhiskii jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu la soo shaqeeyay dhammaan-ba Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland soo marra.
Dr. Cumar Cilmi Dixood waxa uu hadda hayay oo uu ahaa La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.