Dr. Adna Aadan Oo Urur Gobolkeed IGAD Ugu Baaqday Inay Dib U Eegaan Taariikhda Somaliland 

Edna Adan

Hargeysa  (SL.Post) Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa urur goboleedka IGAD ugu baaqday inay dib u eegaan taariikhda oo ay aqoonsadaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

 

edna-adan-e1423357355827

 

 

 

Dr. Edna oo khudbad ka jeedisay kulan Madaxtooyada Somaliland ka dhacay oo uu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay war-murtiyeed ka soo baxay ururka IGAD oo Muqdisho ku shiray, ayaa waxa ay Marwo Edna caalamka u soo jeedisay in caawimada Somaliya aanay kalifin in Somaliland la sadqeeyo. “Somaliya  caawimada la caawinayaa maaha inay kalifto in Somaliland loo sadqeeyo  Waa laba dal ah oo xor ahaa oo madaxbanaanaa markay ay ku heshiiyeen inay  is raacaan, waa  in labadaba xuduudahooda xalaasha ahaa loo raaco ayuu xaqu ahaaa. Waxa nasiib darro ah in xubnaha IGAD iyagoo ka mid ah goleyaasha Midowga Afrika oo tilmaamaya inaan xuduudihii laga dhaxlay gumaystaha aan la bedeli karayn in haddana IGAD ku taliso in la bedelo xuduudihii gumaystaha waa ayaan darro.”

 

 

Drs Edna Aden oo hadalkeeda sii wadata, waxay tidhi Afrika, waxay tidhi  “Waxa mandaqadan Geeska Afrika nabadgelyadeedu hagaagi lahayd iyadoo tusaale laga qaato horumarka iyo nabadgelyada Somaliland ka hano qaaday. Ayaan darada Somaliland haysataa waxa weeye xukuumad ay la hadashaa Somaliya kamay dhalan, xukuumad doorasho ku timid Somaliya 25-kaas sannadood ka may jirin.” ayay tidhi Drs Adna Aadan

 

 

Drs Adna Aadan oo la hadlaysa urur gobolkeedka IGAD, waxay tidhi “Waxa fiicnaan lahayd in IGAD taariikhda dib u raacdo oo Somaliland way ka  da’ weyn tahee ay aqoonsato Somaliland maadaama oo wanaag mooyee aanay dhibaato uga iman geeska Afrika mudadii xorriyadeeda la soo noqotay.”

 

 

 

Somalilandpost.net