DP World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dhegaysigii U Dambeeyay Ee Dacwad Ka Socota London

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay dhegaysigii u dambeeyay ee dacwadda u dhaxaysa Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, Dacwaddaasi oo ku saabsan Dekedda Doraleh ee Dalka Jabuuti oo DP World Maalgelisay, balse Maamulkeeda ay Jabuuti kala wareegtay.

Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa amartay in Jabuuti soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Dawladda Jabuuti ee ku saabsanaa Dekedda Doraleh.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Jabuuti looga baahan yahay inay soo celiso Xuquuqaha ka maqan DP World ama muddo 2 bilood gudahood ah DP World ku siiso magdhow u dhigma khasaaraha soo gaadhay.

Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan, sida uu Maanta baahiyey Wargeyska Portstrategy oo ka warrama arrimaha la xidhiidha Dekedaha Caalamka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si khasab ah uga saartay shirkadda DP World Maamulkii Dekedda Doraleh bishii February, 2018, laakiin Jabuuti way diidday arrintaasi.

Shirkadda DP World oo Maamulka Dekedda gacanta ku haysay illaa sannadkii 2006-dii, ayaa Dawladda Jabuuti ka wareejisay 22-ka bisha February ee sanadkii 2018-kii.

@HCTV