Dowladda UK Oo Xaqiijisay Qorshaha Aqoonsiga Somaliland oo Miiska u Saaran

London (SLpost)- Xoghayaha Difaaca UK, Grant Shapps, ayaa Qiray In Dowladdiisu ku hawlan tahay fulinta Qorshe lama-filaan ah oo ay xal ugu naadinayso weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan marakiibta ganacsi ee isticmaalaya Badda Cas.

Grant Shapps oo hortagay Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Ingiriiska oo su’aalo lagu weydiiyey, waxa uu xildhjibaannada u sheegay inuu tallaabada ku habboon kala tabashanayo xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, Lord Cameroon si ay xalka dhibaatada Xuutiyiinta ugala kaashadaan wax uu ku tilmaamay saaxiib muhiim ah oo ku yaalla qaaradda Afrika.

Wasiirka Gaashaan-dhigga UK ayaa Golaha hortiisa lagu weydiiyey in Somaliland tahay waddanka ay dowlad ahaan wada-shaqaynta kala yeelanayaan arrintan maadaama ay Somaliland ku taallo xeebaha Koonfureed ee Gacanka cadmeed oo ah marinka badda cas, waxa uu wasiirku qiray in arrinta Somaliland tahay qodobka ugu muhiimsan ee lagaga hadli doono kulan muhiim ah oo Dowladda UK kaga arrinsanayso xasilooni-darrada soo food-saartay Isu-socodka maraakiibta ganacsiga adduunka oo boqolkiiba 12 ka mid ahi adeegsada Biyaha Badda Cas.

Xoghaha Difaaca UK oo ka jawaabayey su’aasha laga weydiiyey Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Aniga qudhaydu hore ayaan u booqday Somaliland, waxaanan ogahay inay wax wanaagsan qabsadeen maamul ahaan iyo haddii kaleba si ay u maamushaan Dawladdooda. Farriinta waan qaadayaa, waxaanan kala hadli doonaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Xildhibaan Gavin Williamson oo qadiyadda Somaliland iyo xalka xiisadda Badda Cas wada-xaajood kala yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, waxa uu sheegay inuu Wasiirku u xaqiijiyey sida ay Dowladda UK uga go’an tahay aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net