Dowladda UK oo Ethiopia Kala Hadashay Aqoonsiga Somaliland

UK Ethiopia Somaliland

Addis Ababa (SLpost)- Ilo-wareedyo laga helay Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia, ayaa sheegay in Dowladda UK ay Aqoonsiga Somaliland kala hadashay Xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed

Warkan oo aanu ka soo xigannay warbaahinta Ethiopia qaarkood, waxa lagu sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda UK uu gelinkii hore ee Jimcaha maanta la soo xidhiidhay dawladda Itoobiya isla markaana uu kala hadlay aqoonsiga Somaliland iyo colaadda ka jirta gudaha Itoobiya.

Waxa la soo wariyey in Dawladda Ingiriisku sheegtay masuuliyiinta Itoobiya inuu jiro cadaadis la taaban karo oo kaga imanaya baarlamaanka UK oo culays ku saaraya aqoonsiga Somaliland.

Ilo-wareedyada laga helay Addis Ababa waxa ay intaas ku dareen in inkastoo Aqoonsiga Somaliland uu ahaa mawduuca ugu muhiimsan ay haddana labada dhinac ka wada-hadleen sidii wax looga qaban lahaa colaadda gudaha ee Itoobiya.