Dowladda UK oo Dhimaysa gargaarka ay siiso Soomaaliya iyo Cusbitaallo ku tiirsan oo Xidhmaya

 

London (SLpost)- Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa hoos u dhigaysa xaddiga maaliyadeed ee ay ku maalgelisho hay’adaha gargaarka ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya oo si adag uga digay saamayn taban oo ka dhalan-karta.

Sida uu qoray Wargeyska The Guardian, Hay’adaha gargaarka ee ka diiwaangashan UK, ayaa lagu wargeliyey inay joojiyaan gargaarka ay u fidiyaan goobaha caafimaadka ee dalka Soomaaliya, halkaas oo ay ku taageeraan in ku dhow 2,000 oo haween iyo carruur isugu jira oo gargaarkood u tiirsan bil kasta.

Warku waxa uu intaas ku daray in tallaabadani ka dambeysay ka dib markii ay 0.7% hoos u dhacday miisaaniyadda loo qoondeeyey gargaarka, waxaana hay’adaha lagu war-geliyey in 40% la dhimi doono maalgelinta ay ka helaan dowladda.

Agaasimaha Bariga Afrika ee hay’adda Action Against Hunger, Hajir Maalim, ayaa shaaciyay in lagu war-galiyay inaanay soo bandhigin wax balkan-qaadyo maaliyadeed ah.

“Waxaan waajaheynaa halis kale ee cunno yaraan xilli uu si xawli ah u sii fidayo Covid-19. Qorshuhu wuxuu u egyahay inay is-dhimaan 40% taakuladii dawladda, taasina waxay ka dhigan tahay in albaabada loo laabayo goobaha caafimaadka ee Muqdisho,” Sidaa waxa yidhi Haajir Maalim.

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa ah dalka labaad ee gargaarka ugu badan siiya hay’adaha ka hawl-gala Soomaaliya, iyagoo sannadkii 2019-kii ku bixiyey qaadhaan-bixin gaadhaysa $205 milyan.

Sidoo kale, UK ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay inay boqolkiiba 50 yaraynayaan barnaamijka gargaarka ee ay ku taageeraan dalka Yemen, inkasta oo Qaramada Midoobay ay ka digtay macaluul ka jirtaa dalkaas oo dagaallo-sokeeye halligeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net