Dowladda UAE oo Wakiil-diblomaasiyadeed u soo magacowday Somaliland iyo Madaxweynaha oo Waraaqda Aqoonsiga ka guddoomay

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa magaalada Hargeysa soo gaadhay Wakiil diblooasiyadeed Dowladda Imaaraadka Carabtu u soo magacowday Somaliland, kaas oo masuul ka noqon doona Xafiis dibloomasiyadeed oo dowladda UAE ku yeeelanayso Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay dibloomasigan oo lagu magacaabo Amb. Abdulla Alnaqbi, waxaanu ka guddoomay ka gudoomay waraaqda aqoonsiga, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Somaliland.

Advertisement

Warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

“Wakiilka waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey waraaaqaha aqoonsiga iyo salaan uu ka siday madaxda ugu saraysa dalka imaaraadka carabta ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha sida qiimaha leh ee uu uga gudoomay.

Iyadoo Madaxweynaha qaranka Somalilandna u sheegay wakiilka inuu soo gaadhay dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqayn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dawladood.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu safiirka xog ka siiyey hannaanka dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddo laga joogo soddon Sanno hadda ka dib markii ay xaqiijiyeen madaxbannaanidooda 1991kii, wakhtigan casriga ahna ay Somaliland ku soo fool-leeyihiin doorashooyin isbarkan oo loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan sannadkan 2021ka.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan noqdaana dalkii u horeeyey ee maalgelin baaxadaa leh ka fuliya Dalka, tanina ay tahay mid dhidibada u sii adkanaysa wada-jirka iyo wadashaqaynta dalalka Somaliland iyo Imaaraadka.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Follow us On