Dowladda Soomaaliya oo Xidhiidhka u jartay Waddanka Guinea oo aanay xidhiidh dibloomasiyadeed ka dhaxayn iyo Sababta

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadday inay xidhiidhka u jartay Dalka Jamhuuriyadda Guinea oo ku taalla Galbeedka Qaaradda Africa, kaddib markii uu shalay booqasho ku tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo marti-qaad Rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaas Apha Conde.

 

Dowladda Soomaaliya, ayaa ka xumaatay marti-qaadka uu ka helay iyo booqashada madaxweynaha Somaliland ku tagay dalkaas, iyagoo ku dooday in dalkaasi ka hor-yimi midnimada Soomaaliya oo ay aaminsan yihiin dowladda Somaliland ka mid tahay.

 

Lama oga nooca xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuriyadda Guinea iyo dowladda Soomaaliya oo markii madaxweynaha Somaliland marti-qaadka ka helay ku tilmaantay inuu yahay waddan aan miisaan ku lahayn siyaasadda Africa. Dowladda Soomaaliya ayaan haba-yaraatee wax safaarad ah ku lahayn isla markaana aanu xidhiidh dibloomasiyadeed ka dhaxaynin dalka Guinea ee Galbeedka Qaaradda Afrika. Macluumaadka ku xusan bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaan haba-yaraatee aanay ku xusnayn waddamada xidhiidhka dibloomaasiyadeed ka dhexeeyo ama ay safaarad ku leeyihiin.

 

Sidoo kale, waddanka Guinea oo boqolkiiba 85 dadkiisu Muslim yihiin, ayaan wax Safaarad ah ama xidhiidh dibloomaasiyadeed ku lahayn Soomaaliya.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

 

https://www.youtube.com/watch?v=6OM1h_1_EFo