Dowladda Soomaaliya Oo Burisay Heshiiska Shirka Wada-hadallada Jabuuti

Muqdisho (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo Hadal ka jeediyey Muqdisho, ayaa heshiis taariikhi ah oo midnimada Soomaaliya lagaga shaqaynayey ku tilmaamay Shirkii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee toddobaadkan ku qabsoomay Magaalada Jabuuti.

Wasiir Fiqi Wuxuu sheegay in Sannadkii hore ee 2023-kii ahaa Sannad Waxqabad oo Guulo la taaban karo ay gaadhay Dowladda Soomaaliya, waxaanu Xusay inay Guulahaas ka mid yihiin Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ku dhexmaray Magaalada Jabuuti, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban siddeed qodob oo ay saxeexeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha Labada Dowladood.

Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba burinaya qodobbo ka mid ah qodobbadii ka soo baxay shirkaas, waxaanu hadalkani si toos ah uga hor imanayaa qodobbada 3aad iyo 7aad ee war-murtiyeedka.

Qodobka Saddexaad ee heshiiska labada dhinac, ayaa sheegaya in labada dhinaca si wada-jir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wada-hadalladii hore u dhexmaray labada dowladood laga soo bilaabo 2012-kii oo shirkii u horreeyey ku qabsoomay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga iyo Shirkii u dambeeyey oo Sannadkii 2020-kii ku qabsoomay dalka Jabuuti, kuwaas oo dhammaantood aan lagu soo hadal-qaadin Arrimo khuseeya Midnimada uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Halka Qodobka 7aad ee War-murtiyeedku sheegay in labada dhinaca ka fogaadaan hadallada iyo qoraallada wax u dhimanaya geeddi-socodka wada-hadallada labada dowladood.

Xukuumadda Somaliland ilaa hadda kamay hadal hadalka ka soo yeedhay Dowladda Soomaaliya oo wax weyn u dhimaya geeddi-socodka wada-hadallada.