“Dowladda Islaamiga hub kiimiko Ah ayay sameeyaan”

 

US(SLpst)-Mas’uul ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay inay aaminsan yihiin in ururka la baxay dowladda Islaamiga ay sameeyaan isla markaa adeegsadaan hubka kiimikada.

Maraykanka ayaa sheegay inuu aqoonsaday afar dhacdo oo ururka Dowladda Islaamiga adeegsaday gaaska loo yeqaano mustard.

150901133030_isis_militants_624x351_reuters_nocredit

Mas’uulka Maraykanka waxaa uu sheegay in kiimikada ay kooxdu u adeegsato qaab budo ahaan ah.

Weriyayaal BBC-da ka tirsan oo ku sugan xadka Turkiga iyo Suuriya ayaa sheegay inay arkeen caddeymo taageeraya warkaasi.

Maraykanka ayaa aaminsa in kooxdu leedahay qeyb u xil saaran hagaajinta hubkaasi kiimikada ah.