Dowladda Ingiriiska oo Somaliland ka Caawinaysa Hannaan Kor loogu Qaadayo Tayada Garsoorka

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Ingiriiska, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka taageeraysa hirgelinta hannaan suurto-galinaya xakamaynta gol-daloolooyinka saamaynta ku yeesha bulshada ee ka dhex-jira nidaamka Garsoorka ee dalka.

Sida ka soo baxday kulan maanta dhexmaray Wasiirka Cadaaladda iyo Wefti ka socda dowladda Inigriiska, waxa lagu sheegay inay wax ka qabanayaan nidaamka Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland oo ay hore-ba gacan uga geysan jirtay, isla markaana si loo daboolo baahiyaha jira iyo dhibaatooyinka cabashada dhaliya ee dhinaca dacwadaha iyo Maxaabiista Xabsiyada ku jira ay keentay qalab lagu sugayo xogtooda rasmiga ah.

Inkasta oo uu Wasiirka Cadaaladda Somaliland Sheegay inaanay aqoontii lagu adeegsan lahaa Qalabka ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday Wasaaradda Cadaaladda, haddana waxa la rejaynayaa in dad ku shaqeeya loo tabobbari doono, xalna ay ku soo kordhin karto dhibaatooyinka iyo cabashooyinka bulshadu ka muujiyaan Garsoorka iyo Xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE