Dowladda Ingiriiska Oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Kala Hadashay Khilaafka Sharci ee Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka boqortooyada Ingriiska Mrs Kate Foster oo socdaal Ku joogta dalka.

War kooban oo ka soo baxay Xafiiska warbaahinta ee Golaha Wakiillada, ayaa lagu sheegay in ujeeddada kulanka ka dambaysa ay tahay iska xog-warraysi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Waxa uu Warku intaas ku daray in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu Safiirka Ingiriiska siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dalka isla markaana ay Gole ahaan diyaar ugu yihiin in ay qayb ka noqdaan xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan jira.

Advertisement

“Waxa uu gudoomiyuhu u sheegay safiirka in ay Somaliland ku caano maashay xalinta khilaafaadka yimaada maadaama dalka Somaliland uu yahay dal nabdoon oo xasiloon,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka.

Warka kooban ee ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Golaha Wakiillada, waxa kale oo lagu yidhi, “Safiir Kate waxay Gudoomiyaha uga mahad-naqday wadashaqaynta iyo xidhiidhka dhaw ee mar walba ka gole ahaan ay ula shaqeeyaan. Kulanka oo muddo socday ayaa isfaham iyo in kor loo sii qaado xidhiidhka labada dhinac laysku af-gartay”.

Kulanka Dhexmaray Safiirka Dowladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada oo la rumaysan yahay inuu salka ku hayo go’aankii muranka dhaliyey ee ka soo baxay Golaha Wakiillada iyo deminta khilaafaadka sharci ee ka taagan Doorashooyinka, waxa guddoomiyaha ku wehelinayey La-taliyaha Arrimaha Dibbada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Shir-guddoonka Golaha Prof. Xasan Xiis.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Follow us On