Dowladda Hoose ee Hargeysa oo taageero u ballan-qaadday Cusbitaalka Dhimirka ee Sahan oo maamulkiisa ay bogaadiyeen

Hargeysa (SLpost)- Cusbitaalka SAHAN oo lagu dabiibo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka oo ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxa Salaasadii shalay lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay Dad ka qalin-jebiyey Xirfado la baray markii ay ka bogsadeen xanuunkii dhimirka oo markii hore goobta loo geeyay.

Xildhibaan Jamaal Cusmaan Cabdilaahi iyo Xildhibaan Maxamed Abiib Siikaawi oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo lagu soo marti-qaaday munaasibadda, ayaa ballan-qaaday inay xarunta Sahan la garab-taagan yihiin taageeradooda isla markaana dowlad hoose ahaan ay qorshaynayaan sidii miisaaniyad u gaar ah loogu samayn lahaa Cusbitaalka Sahan oo ay xuseen in lagu soo hadal-qaaday fadhiyo ay yeesheen Golaha Deegaanka ee Hargeysa.

Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi ayaa xusay isbeddel iyo horumar la taaban karo oo Xarunta Sahan samaysay tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2008-kii oo xildhibaanku sheegay inuu goob-joog u ahaa, waxaanu maamulka cusbitaalka Sahan ku hambaleeyey dedaalka uu u galay horumarinta adeegyada Xarunta iyagoo aan taageero buuran ka helin xukuumadda.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo-gelinta oo munaasibadda ka hadashay, ayaa dhankeeda ballan-qaadday inay wasaarad ahaan cusbitaalka ka caawinayaan sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa Dadka ka bogsada Xannuunka dhimirka, ayaa maamulka Sahan Hospital u soo jeediyey inay hirgeliyaan xarun u gaar ah oo lagu daryeello Haweenka Qaba xannuunada Dhimirka.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka masuuliyiintu ka jeediyeen munaasibadda.