Dowladda Hoose ee Hargeysa Oo La Hor-dhigay Qiimeyn Lagu Sameeyey Hanaankeeda Maamul

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Maamul-wanaagga ee Somaliland, ayaa dowladda Hoose ee caasimadda Hargeysa dib ugu celiyay Warbixin la xidhiidha Qiimayn uu Komishanku ku sameeyey Hanaanka Maamulka ee Golaha Deegaanka Caasimadda.

Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul-Wanaaga Marwo Farxiya Maxamed Cabdiraxman oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaaga Md. Cabdilaahi Maxamed Bile iyo Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta Md. Xamse Maxamed Xasan oo maanta tagay xarunta Dowladda Hoose ee Hargeysa, waxa warbixinta ka guddoomay Maayar ku-xigeenka Caasimadda Khadar Axmed Nuur oo uu weheliyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Dowladda Hoose Khadar Yuusuf Cali oo sidoo kale ah ku-simaha Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeisa.

Warbaahinta madaxa bannaan uma suurto-galin inay hesho natiijada warbixinta xambaarsan qiimeynta maamul-wanaag ee lagu sameeyey dowladda Hoose ee Hargeysa, haseyeeshee maayir ku-xigeenka caasimadda oo warbaahinta la hadlay ayaa guddiga uga mahad-celiyey warbixinta loo soo gudiyey waxaanu xusay inay gole deegaan ahaan fulin doonaan wixii talooyin iyo toosin ah ee ku xusan warbixinta.  

Maayar Ku-xigeenka Caasimaddu wuxuu xusay inay soo dhaweynayaan wixii tobabaro iyo farsamo ah ee Komsihanka maamul-wanaaggu kor ugu qaadayo hannaanka maamul iyo Shaqo ee Dowladda Hoose ee Hargeysa.

Warbixinaha Komishanka Maamul-wanaaggu ka soo saari baadhitaannada iyo Qiimeynta uu ku sameeyey hay’adaha Dowladda, ayaan ahayn qaar si daah-furan loo soo bandhigo maadaama oo shaqada guddigani qaranka u hayaan tahay mid lagu toosinayo maamulka hay’adaha dowladda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net