Dowladda Ethiopia oo sheegtay inay dib-u-qabsadeen Laba Magaalo oo muhiim ah

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Ethiopia ayaa xoogagga Tigrey-ga dib u qabsaday magaalooyinka Istaatarjiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Ethiopia Isniinta maanta.

Malleeshiyaad taabacsan Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa horaantii bishii November la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo ka tirsan gobolka Axmaarada, xilligaas oo ay ku hanjabeen inay gaadhi doonaan caasimadda Addis Ababa.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, ma jiraan ilo-wareedyo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Ethiopia, afhayeenka jabhadda TPLF oo wakaaladdu isku dayday inay xidhiidh la samayso, uma suurto-galin inay khadka telefoonka ku helaan wariyeyaal ka tirsan tirsan Reutes oo la xidhiidhay.

Advertisement

Sidoo kale, waxa ay Reuters sheegtay inaanay xaqiijin Karin dib-u-qabshada dowladda ee labada magaalo oo la sheegay in khadka isgaadhsiintu ka go’an yahay.

Dowladda Ethiopia ayaa toddobaadkii hore shaacisay inay dib u qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xogagga Tigray-gu qabsadeen bishii hore.

Guulaha ay gaadheen Milatariga Ethiopia ayaa soo baxay kaddib markii uu Raysal-wasaare Abiy Ahmed ka tagay caasimadda Addis Ababa si uu furinta hore uga hoggaamiyo dagaalka.

Xoogagga Tigray-ga ayaa toddobaadkii hore sheegay inay samaynayaan isbeddelo dhinaca istaraatajiyadda dagaalka ah, balse faahfaahin kamay bixin sababta kalliftay go’aanka io sida ay wax u dhaceenba.

Dagaalka u dhexeeya Milatariga federaalka Ethiopia iyo Xoogagga TPLF oo muddo sannad ka badan socday, ayaa galaaftay nolosha kumanaan Shacab ah, waxaana ku barakacay malaayiin Qof, iyadoo in ka badan sagaal Milyan oo Ethiopian ahi xilligan ku tiirsan yihiin gargaarka hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawl-gala gudaha Ethiopia iyo Dalalka deriska.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost

Follow us On