Dowladda Ethiopia Oo Jawaab Bah-dilaad Ah Kaga Fal-celisay hadal Ka soo Yeedhay Soomaaliya

ADDIS ABABA (SLpost)- Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya, Nebiyu Tedla, ayaa jawaab kulul oo bah-dilaad ah ka bixiyay hadal hanjabaad ah oo ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Xukuumadda Addis Ababa ugu hanjabay inay maamul ahaan xidhiidh la samayn doonaan Jabhadaha ka jira Itoobiya haddii ay ka noqon waydo Heshiiskii Is-afgarad ee horaantii Sannadkan dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda itoobiya oo qoraal ku baahiyey bartiisa X, waxa uu ku eedeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya inuu ka mid yahay Xubnaha ku jira xukuumadda Xasan Sheekh ee Xidhiidhka la leh Ururka Al-shabaab, isla markaana uu hadalkiisu wax weyn ka dhimayo dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Advertisement

“Waa wax lagu qoslo in la arko wakiillo Al-Shabaab ah oo iska dhigaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo aan awoodin in ay si hufan ugu shaqeeyaan meel ka baxsan Gobolka Banaadir,” sidaas ayuu yidhi Nebiyu Tedla, waxaanu intaas ku daray, “Waxay ku dhawaaqayaan waddaniyad madhan oo qabyaadi ka dambayso.”

Mr. Tedla waxa uu Sheegay in hadalka masuulkani dhaawac weyn u geysanayo dowladnimada Soomaaliya. “Arrinkan oo kale wuxuu wiiqi karaa sannado badan oo horumar ah, wuxuuna Soomaaliya ku ridayaa god madow,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia oo jawaabtiisu u muuqato hanjabaad uu kaga fal-celiyey dhawaaqa ka soo yeedhay Axmed Macalin-fiqi oo hadalkiisa lagu tilmaamay inuu ka tarjumayo tamar-darrada iyo jaah-wareer soo waajahay maamulka Muqdisho.

Follow us On