Dowladda Ethiopia Oo Danjireyaasha Caalamka la wadaagtay Xogta Heshiiska Is-faham ee dhexmaray Somaliland

Advertisement

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia ayaa Danjireyaasha Caalamka ee dalkeeda ku sugan la wadaagtay Xogta Heshiiska Is-faham ee dhexmaray Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, ayaa maanta kulan ballaadhan isugu yeedhay Danjireyaasha iyo Dublomaasiyiinta ka hawl-gala Safiirrada Waddamada Caalamku ku leeyihiin Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalkaas.

Ujeeddada kulanka dhexmaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia iyo dublomaasiyiinta Dalalka Caalamka, ayaa ahayd si ay dhaadhiciso isla markaana faahfaahin dheeraad ah uga siiso Heshiiska Isfaham ee ay kala saxeexdeen dalalka Somaliland iyo #Ethiopia, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga X ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia.

Advertisement

Somalilandpost Media Inc.

Advertisement