Dowladda Djibouti oo Ethiopia u gacan-galisay Dagaalyahanno ka tirsan Jabhadda TPLF

Advertisement

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Djibouti, ayaa Ethiopia u gacan-galisay Xubno ka tirsan Dagaalyahannada jabhadda TPLF oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey dhuumasho ku joogay dalkaas kaddib markii lagaga adkaaday dagaalkii ay kula jireen Milatariga Dalkaas.

Laga soo bilaabo Bishii November 2020-kii Ciidammada Ethiopia ayaa gobolka Tigray ee Woqooyiga dalkaas ka waday hawl-gallo ay ku baadi-goobayaan Dagaalyahannada TPFL oo lagu eedeeyey inay weerareen saldhig milatari oo ku yaalla Gobolka Tigray isla markaana ay qudha ka jareen saraakiil iyo Ciidammo ka tirsan Milatariga Federaalka Dalkaas.

Dagaalyahannada TPFL ayaa markii lagaga adkaaday dagaal qadhaadh oo gobolka Tigray ku dhexmaray Milatariga u Ethiopia,, waxa ay qaarkood u baxsadeen dalalka Deriska ah oo Jabuuti ka mid tahay.

Advertisement

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Fana, dowladda Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabtay xubno ka tirsan dagaalyahannada TPFL oo laga soo qab-qabtay gudaha caasimadda Djibouti ka hor intii aanay Gelinkii dambe ee Isniintii shalay gacanta u gelin dowladda Ethiopia.

Warku waxa uu intaas ku daray in Xubnahan ka tirsan dagaalyahannada TPLF ay si qarsoodi ah ku joogeen gudaha dalka Jabuuti dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka hor intii aanay Dowladda Djibouti u gacan-gelin dhiggeeda Ethiopia.

Xubnahan la qabtay oo lagu tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo jabhadda TPLF lagu eedeeyey inay ka geysteen gudaha Ethiopia, ayaa la sheegay inay ciidammada booliska Federaalku bilaabi doonaan baadhis la xidhiidha eedaymaha loo haysto.

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan shaacisay inay dambiyo kala duwan oo isugu jira kufsi iyo dilal ay ka geysteen deegaamo ka tirsan woqooyiga Ethiopia ku heshay xubno ka tirsan jabhadda TPLF halka qaar kalena ay dacwadahoodu ka socdaan maxkamdaha dalkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Advertisement