Dowladda Burundi oo shaacisay Tirada Ciidamo lagaga dilay Soomaaliya Sabtidii Todobaadkan

Nairobi (SLpost)- Sida ay tibaaxeen warar dheeraad ah oo kasoo baxay weerar Sabtidii todobaadkan lagu qaaday Kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen ciidammada Burundi xilli ay marayeen inta u dhexeeyso Balcad iyo Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab, waxa inta laga war-hayo ku dhintay tiro ka mid ah Ciidamada Burundi, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya.

Jiritaanka warkan waxa xaqiijiyey oo ka hadashay dowladda Burundi oo sheegtay in 12 ka mid ah ciidamadooda nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya lagaga dilay weerarkaas, lix kalena kaga dhaawacmeen, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo ku sugan magaalada Bujumbura ee caasimadda dalkaas.

“Nasiib-darro, 12 ka mid ah ciidamadayada ayaa la dilay halka lix kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii Sabtidii ay maleeshiyaadka Al Shabaab ku qaadeen xilli ay ciidamadu kasoo laabteen howl-gal. Waxay saarnaayeen kolonyo baabuur ah oo maraysay inta u dhexeeyso Jowhar iyo Muqdisho,” sidaas ayuu yidhi Sarkaal u hadlay dowladda Burundi oo ka gaabsaday inuu magaciisa xuso.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, ayaa sheegatay inay ka dambeeysay weerarkaas, isla markaana ku dileen 14 kamid ah ciidamada Burundi oo ka tirsan hawl-galka Nabad-ilaalinta Xoogagga Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com