Dowladaha Somaliland iyo Ingiriiska Oo Ka Wada-Hadlay Amniga iyo Xasiloonida Gobolka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Lizzia Walker.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Kulanka oo ku qabsoomay Xafiiskiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasiloonida gobolka.

Ma jirto faahfaahin intaas dheer oo lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, haseyeeshee waxa lagu sheegay in Kulanka Wasiirka iyo Wakiillka oo ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo sarkaal kale oo ka socday Xafiiska Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska uu ku dhammaaday jawi is-afgarad.

Advertisement
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sidan oo kale hore ugu qaabiley qaar ka mid ah wakiillada Somaliland u jooga waddamada ay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wada shaqaynta leeyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dowladaha Taiwan iyo Ethiopia.

akiilka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland, Lizzia Walker.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu, waxa uu Wakiillada waddamadaasi u sheegay in aanay marnaba gor-gortan gali karin qaddiyada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@Somalilandpost.net

Follow us On