Dowladaha Ingiriiska iyo Somaliland Oo Ka Wada-hadlay Iskaashiga Militariga Labada Waddan

Hargeysa (SLpost)- Kulan maanta Dhexmaray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland iyo Safaaradda Dowladda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa, ayaa lagaga wada-hadlay Arrimaha nabadgelyada mandaqadda iyo kor u qaadista iskaashiga dhinaca militariga ah ee labada wadda.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland, waxa uu dhexmaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Md Mustafe Cumar Faarax Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Gaashaanle Dhexe Ash Wiseman oo ah u qaabilsamaha Arimaha Ciidamada ee Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa (British Defence Attache).

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland, ayaa lagu sheegay inay labada masuul kawada-hadleen Arimo Khuseeya nabadgalyada labada Dal Iyo Guud Ahaan Geeska Afrika.

“Labada masuul waxay ka wada-hadleen oo Arrimo ay ka mid yihiin Argagixisada Iyo Khataraha kale ee Khuseeya Nabadgalyada. Waxa Kale oo laga wada hadlay Iskaashiga soo jireenka ah ee Somaliland iyo Britain gaar ahaan kobcinta dhinacyada Tababarada Ciidamada,’ Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inay labada masuuul u ballameen kulamo kale oo lagu sii amba-qaadayo dhammeystirka qodobbada laga wada-hadlay isla markaana ay labada dowladood isaga kaashadaan dhibaatooyinka dhinaca amniga ee ka jira gobolka Geeska Afrika.

Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Somaliland kala shaqaysa dhinacyada amniga iyo kor u qaadista tayada Ciidamada kala duwan ee Qaranka, gaar ahaan Booliska, Militariga iyo Kuwa Badda, iyadoo tabobarre heerkoodu sarreeyo dalka UK loogu qaado saraakiil kala duwan oo tabobarro heerkoodu sarreeyo soo dhammeysta sannad kasta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net