Dowlada Djibouti oo Maxkammad saaraysa Ganacsade Oomaar iyo sallaadiin reer Somaliland ah u xadhko-xidhan safar ay Geelle ugu Tagaan

London-(SLpost)-Dawladda Djibouti, ayaa 24ka Bishan November maxkamad soo taagaysa Ganacsade Jaamac Oomaar Seed, oo ah mulkiillaha shirkadda Oomaar Trading Company oo ka tirsan shirkaddaha ugu waaweyn dhinaca ganacsiga Somaliland iyo Djibouti.

Caasimadda Hargeysa waxa maanta ka dhoofaya 12 suldaan oo ka kooban dhammaan beelaha Somaliland, kuna sii jeeda magaalada Djibouti, kuwaasoo safarkoodu salka ku hayo inay waan waan ula tagaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle,sidii xorriyaddiisa loogu soo celin lahaa Ganacsade Jaamac Oomaar Seed.

sal and gele

Sallaadiintan oo ay ka mid yihiin Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indhacase), Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Sammaale, Suldaan Barre Sheekh Aadan, Suldaan Maxamuud Axmed-sheekh, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, iyo sallaadiin kale, ayaa warar u dhuun daloola safarkoodu u xaqiijiyeen shebekadda Berberanews inay u baqoolayaan maanta magaalada Djibouti, si ay wada hadal ugala yeesheen xadhiga Ganacsadaha ka hor inta aan maxkammadda la geyn.

Ma jiro war rasmiya oo xukuumadda Djibouti ka soo saartay xadhigga ganacsade Jaamac iyo eedda loo haysto toona, kaasoo ciidammada Djibouti xabsiga dhigeen horraantii bishan November, islamarkaana la sheegay in albaabada loo laabay Xaruntii Ganacsiga Oomaar ee caasimadda Djibouti.

Waxaa jira warar ku tiri-ku-teen ah oo tibaaxay inuu Ganacsade Oomaar looga shakiyay xidhiidh dhexmaray isaga iyo Ganacsade Boorre oo dalka Djibouti laga mamnuucay ganacsigiisa.

Xigasho

Berberanews