“Dowlad Laba Kaclayn Ah Ayaanu Samaynaynaa..” Faysal Cali Waraabe oo Mar Kale Hanjabay

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay shirweynaha 4aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana munaasibadda ka qayb-galay hoggaanka sare iyo ergooyinka xisbiga oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inuu mar kale u taagan yahay Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, mana jirto cid ilaa immika muuqata oo kula tartamaysa labadaas xilba.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu eedaymo u jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu baaqay inuu wakhtigeeda ku qabto doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan dhammaadka sannadkan 2022-ka.

Advertisement

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanay mucaarad aan yeeli doonin in doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda dib uga dhacday, isla markaana ay ka soo qorshaha horjeedaan furitaanka ururrada siyaasadda oo ku mudeysan badhtamaha sannadkan..

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii Guddoomiyaha Xisbiga UCID ka jeediyey furitaanka shirweynaha 4aad ee Xisbiga UCID.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On