Dooxa Hargeysa oo Qaaday Saddex Qof iyo Gaadhi ay Saarnaayeen

Hargeysa (SLpost)- Dooxa magaalada Hargeysa, ayaa galabta Qaaday Saddex Qof iyo Gaadhigii ay saarnaayeen.

Gaadhiga oo noociisu ahaa Probox ayaa ka tallaabayey dooxa Hargeysa gaar ahaan Waddada ka tallowda agaagaarka Hotel Maamuus ee Bariga Caasimadda abaarro 4:00 galabnimo ee maanta oo roob xooggani ka da’ayey magaalada.

Gaadhiga iyo saddexda Qof ee saarnaa oo dhammaantood rag ah, ayuu dooxu qaaday kaddib markii ay darawlku isku dayey inuu ka tallaabo dooxa xilli uu daadku yaraa, haseyeeshee gaadhiga ayaa dhex-fadhiistay oo galay Ciidda Dooxa, sida ay sheegeen goob-joogeyaal goobta ku sugnaa.

“Xilli ay dadku isku dayayeen in saddexda Qof laga soo samato-bixiyo oo xadhig loo tuuray, waxa mar kaliya si xawli ah u soo batay daadkii, taasina waxay sababtay inay biyuhu qaadaan gaadhigii iyo saddexdii Qofba,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidka yar-yar ee caasimadda oo daba-socday gaadhiga Daadku qaaday.
Waxa uu goob-jooguhu sheegay in ciidamada ammaanku markiiba yimaaddeen goobta.

Ciidanka Booliska oo kaashnaya Shacabka Hargeysa, ayaa ka hawl-galaya samata-bixinta saddexda qof iyo baabuurka oo ay ka daba-tageen, waxaana lagu gaadhay meel ka durugsan halka daadku ka qaaday.

Ciidammada Ammaanka oo ka hadlay qaabka ay uga hawl-galeen samata-bixinta saddex qof, ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya bulshada ay saddexda qof ku gaadheen meel ka durugsan goobtii ay uu baabuurka ka qaaday.

“Waxaanu ku gaadhnay meel dooxu ka ballaadhan yahay oo xawliga biyuhuna yar yihiin, waxaana tan suurta-galisay iyagoo saddexdooduba dabbaasha yaqaanaan,” sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo ka hawl-galay samata-bixinta saddexda qof.

Sannad walba xilli-roobaadka, waxa dooxyada waaweyn ee dalka gaar ahaan dooxa Caasimadda Hargeysa ku naf-waaya tobanaan Qof oo daadku qaado iyo Gaadiid tiro badan.
Dooxa Hargeysa oo kala qaybiya Caasimadda, ayaa xilligan leh Laba Biriish oo waaweyn oo gaadiidka iyo dadkuba ka tallaabaan, balse waxa jira Buundooyin biyaha Daadku dul-maraan oo xilliyada Daadka Dooxu yaryahay gaadiidku ka tallaabaan.