Dooxa Caloola ee Degmada Laasgeel oo Qaaday Afar Qof oo ay ku jiraan Laba Qof oo Walaalo ah iyo Adeerkood

Laasgeel (SLpost)- Dooxa Caloola ee degmadda Laas-geel ayaa Galabta afartii iyo Badhkii Waxa uu qaaday Shan qof kuwaas oo ay Ku Geeriyoodeen afar ka Mid , oo ka soo Jeeda Qoys Qudha, Halka laga soo badbaadiyay Mid ka Mid ah.

Dadkan ku Geeriyooday Shilkaas ayaa la sheegay inay ka soo laabteen tacsi ay kaga qayb galeen Nin danab ku dilay Deegaanka Dacar Budhuq.

daad qaadaySida uu noo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Laasgeel Axmed Muuse Cabdi  oo Khadka Telefoonka noogu Waramay waxay Shantan Qof ee uu Daadku qaaday Isugu Jireen Laba Dumar ah iyo Sadex Nin .

Marxuumiinta Shilkan ku naf waayay Waxaa Magacyadooda lagu sheegay Sacad Cali Maxamed,Nadiira Cali Maxamed oo walaalo ah ,halka qofka sadexaad magaciisu yahay Xasan Maxamed Jibriil,iyo Qofka afaraad oo aan Magaciisa la aqoonsan,Waxaanu Gudoomiyuhu Xusay in qofka Shanaad oo ahaa Dalewarkii gaadhiga Waday ay Dadka Deegaanku ka soo badbaadiyeen daadkii, kaas oo lagu Magacaabo  Maxamed Axmed Sugule.

Gudoomiyuhu Waxa uu Intaas ku daray inay dhamaan Maydkii ay ka soo saareen Dooxa loona soo qaaday dhinaca Caasimada Hargaysa .

Warku Waxa uu Intaas ku darayaa in Dadkan daadku qaaday ayaa dhamaantoodba ahaayeen Qoys wada Socday oo laba ka mid ahi ay Walaalo ahaayeen iyo Adeerkood.

Dooxyadda u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa sanad walba xili roobaadyadda qaada baabuur iyo dad badan,Waxaana dhawaan dooxyadaasi ku geeriyooday sadex qof oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Guurtida oo la odhan jiray ALLE ha u naxariistee Aadan Shire Faarax (Aadan-sanweyne).

SOMALILANDPOST.NET