Doorashooyinka Somaliland Oo Lix Jeer ka Qaalisan Kuwa Dalalka Reer Galbeedka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasnadda Dowladda laga bixinayo kharashka doorashooyinka soo socda oo ay isu-diiwaangeliyeen in ka badan 1.2 Milyan oo muwaadin.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ayaa khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo uu ka horjeediyey Goleyaasha sharci-dejinta waxa uu ku soo qaatay Doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan dhammaadka Sannadkan, waxaanu sheegay inay dalka ka dhici doonto doorasho Qiimaha ka qaalisan kuwa ka dhaca Dalalka reer Galbeedka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu isbarbardhig ku sameeyey kharashka loo qorsheeyey doorashada Somaliland ee Sannadkan iyo kuwa ka qabsooma dalalka Yurub, kuwaas oo marka kharashka guud loo qaybiyo tirada dadka codeynaya ay Somaliland ka badan tahay boqolkiiba 18.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in marka tirada guud ee shacabka isu diiwaangeliyey doorashooyinka Somaliland loo qaybiyo kharashka ku baxaya ay ka dhigan tahay in qof kastaa doorashadu ku taagan tahay 16.5 Dollar halka dalalka reer galbeedka la qiyaaso in doorashadu qof kasta oo codeynaya ku taagan tahay 1 ilaa 3 Dollar, waxaanay tani ka dhigan tahay in Halkii Qof ee ka codeynaya doorashooyinka Somaliland u dhigmo kharashka Lix Qof oo ka codeynaya dooraashooyinka dalalka reer Galbeedka.

“Doorashooyinka hadda innagu soo foolka leh sannadkan waxa isku diwaan-geliyey 1,227,048 muwaadin. Doorashooyinka Miisaaniyadda ku bixi doontaa waxay noqonaysaa lacag dhan $20,000,000, lacagtaasina waxay ka baxaysaa Miisaaniyadda Dawladda ee laga ururiyo cashuur-bixiyayaasha Dalka.

“Inaga marka la isku-qaybiyo inta isu-diiwaan-gelisay doorashooyinka iyo kharashka ku baxaya qofkii codeeyaaba waxa uu taagan $16.5, halka dhammaan dalalka Qaaradda Yurub iyo Maraykanka oo kharashka doorashooyinkoodu u dhaxeeyo $1-3 Doollar halkii qof ee coddeeye ahba,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Arrintaasi waxay innooga baahan tahay Qaran ahaan in aan dib u qiimeyno nidaamka doorashooyinka iyo kharash bixinta, kana dhigno doorashooyinkeena kuwo kharash ahaanna jaban, wakhti ahaan kooban, nidaam ahaanna hufan.

Dhammaan Axsaabta Qaranka iyo Ururadda Siyaasadda waxaan ugu baaqayaa in ay ku qaabilaan doorashooyinka niyad-samaan, una hogaansamaan shuruucda Doorashooyinka,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo uu ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay maanta yeesheen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net