Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo la muddeeyey

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Waxa galabta magaalada Muqdisho lagu soo gebo-gabeeyey Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya, waxaana laga soo saaray go’aamo khuseeya qabsoomidda doorashooyinka ila filayo inay dalkaas ka dhacaaan sannadkan.

Go’aamada ka soo baxay shirka Golaha Wada-tashiga, ayaa lagu muddeeyey xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soomaaliya, iyadoo la soo saaray Jadwalka kala horeynta Doorashooyinka.

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya

Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya, waxa ay go’aamiyeen in doorashada madaxweynaha la qabto Bisha October ee sanadkan, halka doorashada Baarlamaanka loo muddeeyey inta u dhaxaysa 10-ka bisha August ilaa 10-ka bisha September ee sannadkan.

Jadwalka Diyaar-garowga iyo Qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in inta u dhaxaysa 30 June ilaa 05 July 2021 la qaban doono tabobarka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyada Doorashada.

23-ka bisha July ee sannadkan waxa loo muddeeyey diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada, halka 25-ka July 2021 ayaa loo muddeeyey inay qabsoonto Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inta u dhaxaysa 15 July ilaa 10 August, 2021, ayaa loo muddeeyey Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda, halka inta u dhaxaysa 10 August ilaa 10 September loo muddeeyey inay qabsoonto Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Sida lagu shaaciyey Jadwalka lagu muddeeyey doorashooyinka, 20 September 2021, waxa lagu muddeeyey Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, halka ugu dambayn Jadwalka lagu sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya qabsoomi doonto 10 October 2021.

Dhinaca kale, waxa go’aamada ka soo baxay shirka Golaha lagu sheegay in murashaxiinta Haweenka ah 50% ka dhimay kharashka laga qaadayo murashaxiinta Baarlamaanka.

Golaha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya ee maanta ku kulmay Muqdisho, ayaa ka kooban madaxda maamul-goboleedyada dalkaas iyo Raysal-wasaaraha DFS oo Guddoomiye u ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net