“Doonista marin-badeed Oo Ethiopia Hesho maaha mid lagu horjoogsan karo Ashkato cid kale loo gudbiyo” – Abiy Ahmed

Addis Ababa (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia, Dr Abiy Ahmed, ayaa wax aan loo baahnayn ku tilmaamay eedaymo uga yimi Dowladda Soomaaliya oo daba-socota heshiiska is-faham ee horaantii Sannadkan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Abiy Ahmed oo khudbad ka horjeediyey baarlamaanka Ethiopia maanta, waxa uu nasiib-darro ku sheegay in Dowladda Somalia lacago ku kharash-gareyso socdaallo ay dibadaha ugu baxayaan si ay Ethiopia uga dacweeyaan waddamo kale, taas beddelkeedana ay kaga fillayn hal duullimaad oo ay Addis Ababa ku taagan si xal looga gaadho khilaafka jira.

“Somalia haddii ay wax naga tirsanayso, waa wax fudud, waayo waxa ku filnayd hal duullimaad iyo hal kulan oo na dhexmara, taas beddelkeeda waxay doorteen inay naga dacweeyaan dalal kale,” sidaas ayuu yidhi Abiy Ahmed.

“Taladaydu waxa weeyaan ha iska khasaarin lacagta aad ku kharash-garaynaysana safaradda. Ma jirto baahi idinku kallifaysa inaad meelahaas meeraysataan si aad naga noo dacweysaan idinka oo awoodi karaya inaad timaaddaan Addis Ababa. Waxaanu diyaar u nahay wada-hadal,” sidaas ayuu yidhi Abiy Ahmed oo intaas ku daray inay ka wanaagsanaan lahayd in lacagahaas loo isticmaalo dhismaha hal KM oo waddo ah ama hal dugsi oo Muqdisho laga hirgeliyo.

Dr Abiy Ahmed oo ka hadlayey heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia 01 January, 2024-ka, kaas oo uu sheegay inuu ku yimi kaddib markii ay wax jawaab ah ka waayeen waddamada deriska oo ay hordhigeen qorshaha damac ee Ethiopia ku doonayso marin-badeed oo ay baahiweyn u qabaan.

Abiy Ahmed wuxuu xusay in baahida Ethiopia u qabto marin-badeed ay tahay qaddiyad qaran oo ay xaq u leedahay inay waydiistaan cid kasta oo u suurta-galinaysa.

“Doonista marin-badeedka Ethiopia oo ay xaq u leedahay maaha mid lagu horjoogsan karo ashkato cid kale loo gudbiyo,” Sidaas ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Ethiopia.

Raysal-wasaaruhu wuxuu sheegay in siyaasadda Guud ee Ethiopia dhigayso inay nabad iyo xidhiidh wanaagsan kula noolaato waddamada deriska, waxa uu meesha ka saaray koboca dhaqaalaha iyo tirade Dadka Itoobiya ee xawliga ku socdaa ay ku qasbayaan Ethiopia inay hesho marin-badeed.

Somalilandpost.net