Doon Sidday Dad Muhaajiriin Ah Oo Ku Rogmatay Xeebaha Libya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Sicily, (SLpost)- Ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga ayaa sheegay in doon kalluumaysi oo loo malaynayo inay sidday boqolaal muhaajiriin ah ay ku rogmatay xeebaha Libya.Tahriib

Waxay sheegeen in doontu ay qallibantay Iyadoo muhaajiriintu ay dhinac doonta ka mid ah u yaaceen markii ay arkeen doon kuwa wax samota-bixiya ah.

Ilaa 150 qof ayaa biyaha laga soo saaray, laakiin tiro intaas ka badan ayaa laga cabsi qabaa inay la gadoontay.

Doonta kalluumaysiga ayaa mushkilad xagga cimilada oo xun ah waxay ku qabsatay meel 25 KM u jirta biyaha Libya, waxayna dirsatay qaylo dhaan gaadhay Sicily.

Dhowr doomood ayaa goobta u soo gurmaday, iyadoo saddex helicobtarna ay gacan ka gaysanayaan samota-bixinta.

Source: BBC