Dood Adag oo Ka Dhalatay Dalka Switzerland Arday Mulim Ah Oo Diiday Inay Salaamaan Macalimiintooda

Switzerland (SLpost)-Xukuumadda Switzerland ayaa dhaleecaysay iskuul u oggolaaday arday Muslimiin ah in aanay salaamin macallimiinta dumarka ah.

salaan

Labo arday oo Muslimiin ah oo dhigtay iskuulkan, oo ku yaal waqooyiga dalkaasi, ayaa ku dooday in diintooda aanay u oggolayn inay salaamaan macallimiinta dumarka ah.

Wasiirka Caddaaladda ee Switzerland ayaa sheegay in salaantu ay qeyb ka tahay dhaqanka dalkaasi.

Xiriirka Ururka Muslimiinta ayaa sheegay in salaanta ragga iyo dumarka ay caadi ka tahay waddamo badan oo uu uga dhaafay ardayda Muslimiinta ee ragga ah in ay gacan qaadaan macalimiinta haweenka ah.

Labada arday ee diidday inay salaamaan macallimiinta dumarka ah ayaa sidoo kale loo diiday inay salaamaan kuwa ragga ah, iyadoo iskuulku sheegay in aanay kala sooci karin macalimmiintooda.