Donald Trump oo Shaaciyey tallaabada Maraykanku kaga Jawaabayo Weerarkii Iiraan ku qaaday Saldhigyada Maraykanka

 

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo goor-dhawayd shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, ayaa shaaca ka qaaday tallaabada dowladdiisu kaga jawaabayso weerarkii gantaallada ahaa ee ay Iiraan ku qaadday saldhigyada Mareykanku u leeyahay dalka Ciraaq.

Madaxweye Trump waxa uu sheegay in Dalka Iiraan nasiib leeyahay maadaama oo sida uu ku andacooday aanu qof Mareykanka u dhashay waxyeello ka soo gaadhin duqeymaha gantaallada ee Iiraan maanta ku qaatay saldhigyada milatari ee Maraykanka.

Mr Trump oo si toos ah looga daawanayay telefishinnada, waxa uu sheegay in weerarka Iiraan Saldhigyada u geysatay muujinayo inay dib uga degtay Jawaabtii laga filayey inay ka bixiso weerarkii lagu dilay Sarreeye Gaas Suleymaani dorraad.

Waxa uu Madaxweynaha Maraykanku ku hanjabay in dowladdiisu cuna-qabateyn hor leh dul-dhigi doonto dalka Iiraan, taas oo uu sheegay inay jawaab u noqonayso tallaabada aar-goosiga ah ee ay qaadday Iiraan.

Dhinaca kale, waxa uu baaq u diray dalalka Midowga Yurub, Ruushka iyo Shiinaha oo u soo jeediyey inay ka baxaan heshiiska nuclear-ka ee Iiraan oo Maraykanku hore uga baxay.

Trump waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono tallaabo kasta oo looga jawaabayo weerarrada, in kasta oo aanu wax faahfaahin ah ka bixin.

Waxa kale oo uu sheegay inuu weydiisan doono dalalka ku jira Gaashaan-buurta NATO inay soo faro-geliyaan xaaladda Bariga Dhexe.

Hadalka Trump, ayaa meesha ka saaraya hanjabaad uu isla maanta ku baahiyey qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter, kaas oo uu ku sheegay in dowladdiisu weerarro ka fulin doonto gudaha dalka Iiraan.

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iraan ayaa sii xoogaysatay kaddib markii Trump uu amar ku bixiyay in la dilo taliyihii militariga Iran Qassem Soleimani xilli uu ku sugnaa gudaha dalka Ciraaq.

Dalka Iiraan ayaa sheegay in weeraradii ay maanta ku qaadday Fadhiisimada Ciidamada Maraykanka ay ahaayeen aar-goosti jawaab u ah dilkii Suleymaani.

Somalilandpost.net