Donald Trump Oo Guuldaro Qadhaadh Kala Kulmay Gobalada Wyoming iyo Washington DC

Us(SLpost)-Donald Trump oo ah musharaxa ugu cad-cad tartanka xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa aad ugu guuldareystay doorashada ka dhacday gobolada Wyoming iyo Washington DC.

Ninka sida weyn uu tartanka kala dhexeeyo ee Ted Cruz ayaa boqolkiiba 66 ku guuleystay gobolka Wyoming, halka Marco Rubio oo isna tartanka ku jiray uu ku guuleystay gobolka Washington DC.

donal

Guuldarrada Trump ayaa timid maalin uun kaddib markii uu hakiyay isu soo bax uu ku qaban lahaa Chicago sababo la xiriira cabsi laga qabay in ay isku dhacaan taageerayaashiisa iyo dad dibadbaxyo dhigayay oo Trump ku eedeeyay cunsurinimo.

Madaxweyne Obama ayaa ugu baaqay dhammaan musharixiinta in ay ka fogaadaan hadalada kala qaybinaya shacabka isla markaana aflagaadada xambaarsan.