Donald Trump Ninka Ku Caanbaxay Nacaybka iyo Hillary Clinton Oo Ku Horeeya Codadka La Bixiyay Ee Maraykanka

Us(SLpost)-Tirinta codadka ayaa ka socota inta badan gobolada dalka mareykanka ee ka qayb qaatay tartanka doorashada xisbiyada gudahooda ee Super Tuesday, taasi oo lagu soo kala dooranayo musharixiinta xisbiyada dimuquraadiga iyo jamhuuriga.

Natiijada hordhaca ah ayaa muujinaysa in Donald Trump oo u tartamaya musharaxnimada xisbiga jamhuuriga iyo Hillary Clinton oo u tartameysa xisbiga dimuquraadiga ay si weyn uga horreeyaan musharixiinta kale ee la tartamayo.

Marka la eego tartanka xisbiga jamhuuriga gudahiisa, Trump ayaa ayaa waxaa la filayaa in uu ku guuleysto shan gobol oo kala ah Alabama, Georgia, Massachusetts, Tennessee iyo Virginia.

Basle ninka uu loolanka kala dhexeeyo Ted Cruz ayaa la saadaalinayaa in uu ku guuleysto gobolka uu ka soo jeedo ee Texas iyo gobolka Oklahoma.

Natiijada hordhaca ah ee tartanka xisbiga Dimuquraadiga ayaa muujinaysa in Hillary Clinton la filayo in ay ku guuleysato lix gobol.

Hase yeeshee ninka uu loolanka kala dhaxeeyo ee Bernie Sanders ayaa la saadaalinayaa in uu ku guuleysto gobolka Oklahoma iyo gobolka uu ka soo jeedo ee Vermont.