Djibouti: Tirada Dadka laga helay Xanuunka Covid-19 oo gaadhay 735 Qof

Djibouti (SLpost)- Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 141 qof oo kale uu ku dhacay cudurka Corona, sida uu BBC-da u xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda caafimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

Waxa jira walaac Ku adaan cudurkan tiirada guud ee dadka u haayo cudurkan corona ayaa hada ah 732 qof dalka djibouti iyada oo ay kisas cusub oo gobolada ah ay jiraan halka tiirada dhimashada ay wali tahay 2 qof dhanka kale waxa ka bogsaday cudurkan 3 qof tirada dadka caafimaday waa 76 qof guud ahan sida ay Wasaarada sheegtay.

Iyada oo ay magaalada bandoo saaran tahay 24 ayaa hadana walaaca dadka ay qabaan yahay Saamaynta cudurkan oo aad u sii fafaaya maalinta kasta.

Inkasta oo ay dowladdu kordhisay wakhtigan Bandowga waddanka iyada oo la gaadhsiyay ilaa 28 bishan, haddana waxa wali dalka soo gala qaadka oo ka yimaada dalka Ethiopia, waxaana jira in meelaha qaar dadka aay isku soo ururaan waana sababta loo aanaynayo in cudurkan si xawli ah u faafo.