Djibouti: Qofkii Labaad oo u Geeriyooday Cudurka Covid-19 iyo Tirada Dadka laga helay oo korodhay

 

Djibouti (SLpost)- Dalka Jabuuti Qofkii labaad ayaa Cudurka Covid-19 ugu geeriyooday maanta oo Sabti ah, iyadoo tirada dadka xannuunka laga helay ay korodhay.

Sida lagu sheegay war-bixin wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi soo saartay maanta, waxa maanta oo Sabti ah cudurka laga helay 37 qof, taas oo guud ahaan tirada guud ee cudurku Coronavirus ee dalka Jabuuti ka dhigaysa 187 qof.

Waxa warbixinta lagu sheegay warbixinta, waxa baadhitaan lagu sameeyey 4017 guud ahaan dalkaas, waxaana dadka xannuunka qaba ee cusbitaallada loo dhigay ka bogsaday 36 qof oo xaalladdooda caafimaad wanaagsan tahay.

Khamiistii dorraad ayey ahayd markii markii dalka Jabuuti uu ugu geeriyooday cudurka coronavirus qofkii koowaad ee u dhinta cudurkaasi, sida lagu xaqiijiyey qoraal uu soo saaray Wasiirka Caafimaadka dalka Jabuuti Mohamed Warsame Diiriye.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Caafimaadka Adduunka Sabtida maanta, tirada dadka adduunka ee cudurku asiibay ayaa ilaa hadda maraysa 1,733,792 kiis, halka tirada dadka u dhintay gaadhay 106,469 ruux, waxaana ka bogsaday 392,781 qof guud ahaan caalamka.

 

Somalilandpost.net