Djibouti oo dalkooda ku Celisay tiradii ugu Badnayd Qaxoonti Ethiopian ah iyo Wer-wer Caabuqa Coronavirus

 

Djibouti (SLpost)- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa Kumanaan Itoobiyaan Qaxoonti ah dib ugu celisay dalkooda toddobaadyadii u dambeeyay.

Qaar ka mid ah Dadka Jabuuti ku celisay Dalkooda Itoobiya ayaa markii ay dalkooda gaadheen ee la baadhay laga helay Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid-19, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Ethiopia.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM, ayaa Dadka Jabuuti dib ugu celisay Dalkooda Itoobiya bishii hore ee April ku qiyaastay inay ka badan yihiin 2,400 Qof, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Hay’adda IOM oo Magaciisu yahay Yvonne Ndege.

Dadkan ayaa markii la geeyay Xuduudka Itoobiya waxa la geliyey Karantiil, waxaana baadhitaano Caafimaad oo lagu sameeyay laga helay 4 ka mid ah dadkaasi, kuwaasi oo ka mid ah Dadka ku noqday Magaalada Diridhaba.

Zewdu Assefa oo ka mid ah Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Itoobiya ayaa wer-wer ka muujiyey in Xanuunka Covid-19 uu ku faafo Gobollada Itoobiya xilli aan la hubin in Jabuuti Dadka ay ku celinayso Itoobiya ku samaysay Hubin Caafimaad, gaar ahaan inay ka bad-qabaan Covid-19.

Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya Mohamed Idriss Farah oo Jimcihi hadlay ayaa sheegay inay jiraan Dad Itoobiyaan ah oo ku sugan Dalka Jabuuti, kuwaasi oo doonayay inay ku laabtaan dalkooda, balse uu saameeyey xaaladda xannibaadda isu-socodka Dadka iyo xuduudaha ee lagu soo rogay dalka Djibouti.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa noqotay dalka ugu badan mandaqadda Bariga Afrika ee laga helay tirada ugu badan kiisaska Caabuqa Coronavirus, iyadoo xogtii ugu dambaysay ee wasaaradda Caafimaadku shaaciso sheegayso tiro ku dhow 900 qof oo laga helay xannuunkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net