Djibouti: Diyaaraddii Siddey Fahad Yaasiin oo Dib ugu Laabatay Dalka Turkiga

Djibouti (SLpost)- Diyaaradda Turkish Airlines oo uu Saarnaa la-taliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya, Fahad Yaasiin iyo xubno kale ayaa goor dhowayd ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti oo ay fadhiday muddo saacado ah kaddib amar ka soo baxay dowladda Jabuuti

Sida aanu ka soo xigannay mareegta raad-raaca duullimaayada Diyaaradaha ee FlightRadar, Diyaaradda oo sumacadda duullimaadkeedu ahaa TK687, ayaa maqribkii ka duushay magaalada Djibouti iyada oo kusii jeedda magaalada Istanbul oo ay markii hore ka timid.

Dib-u-noqoshada duulimaadka Turkish Airlines Flight TK687, ayaa timid saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay in diyaaraddaas ay ku laaban doonto Istanbul.

“Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” sidaas waxa galabta sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf

Duullimaadka Diyaaradda oo ku wejahnaa magaalada Muqdisho, ayaan la garanayn sababta ay duulimaadkeeda u sii wadan wayday, waxaana layska weydiinayaa su’aalo badan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aanay maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines tahay cilad farsamo sida ay u sheegtay shirkadda Turkish Airlines.

Haseyeeshee, warar ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in hay’adaha ammaanka Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaanay Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo lagu tuhunsan yahay inuu wax badan ka ogyahay dilka Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd sirdoonka Soomaaliya.

Lama oga in Fahad Yaasiin dib u raacay Diyaaradda Turkish Airways iyo inuu ku jiro Gacanta ciidamada Jabuuti oo la sheegay inay kala soo dageen diyaaradda. Warar kale ayaa sheegayay in Booliska Caalamiga ah ee Interpol ay ak dambaysay sababta Fahad Yaasiin diyaaradda loogala dagay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net