Diyaaradii Laga Afduubay Masar Oo Arinteedu Ku Danbaysay Nin Xaaskiisa Oo Uu Jecelyahay Ku Booqanayay Qubrus Oo Diyaarada Lagu Dajiyay

MasarNinkii afduubtay diyaaradii Masar dhexdeeda u kala safraysay ayaa isdhiibay oo la xiray.

Diyaaradaasi oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir, ayaa lagu qasbay in ay ku dagto garoon ku yaala Qubrus.

Diyaaradda ayaa ahayd nooca loo yaqaano Airbus A320, lambarka duulimaadkeedu wuxuu ahaa MS181, waxayna waday 81 qof oo rakaab ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qubrus, ayaa sheegay in hawshii afduubku ay dhamaatay.

sideey wax u dhaceen

Qof rakaab ah oo sheegay in uu wato suun qarxa ayaa ku maray in shaqaalaha diyaaraddu ay duulimaadka u weeciyaan dhanka Qubrus, sida ay sheegtay shirkadda diyaaraddaha ee EgyptyAir.

Diyaaradda EgyptAir ayaa sheegtay in wadahadalo la galay ay horseedeen in la sii daayo dhamaan dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda, marka laga reebo afar ka mid ah rakaabkii oo ajaaniib ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

Markii dambana waxaa soo muuqday ninkaas oo Masar u dhashay oo gacmaha taagaya kana soo dagaya diyaaraddii uu afduubtay.

Wax yar dabadeedna waxaa la arkay dhawr qof oo ka soo ordaya diyaaradda mid ka mid ah shaqaalaha ayaana diyaaradda iska tuuray.

Madaxwaynaha Qubrus, Nicos Anastasiades, oo goor sii horaysay hadlay ayaa weriyeyaasha u sheegay in afduubka diyaaraddu uusan la xiriirin argagixiso.

Ninkan ayaa lagu soo warmaya ain aanu xidhnayan suunka qarxa ee uu doonayay inuu la kulmo xaaskiisa oo joogta Qubrus, taas oo uu la kulankeeda u xiisay