Diyaaradaha UAE oo weerar qaaday

150906104110_yemen_sanaa_640x360_bbc_nocredit

UAE(SLpost)-Diyaaradaha dagaalka ee UAE ayaa bilaabay weerar ay ku beegsanayaan mucaaradka Xuutiga ee Yemen.

Weerarka ayaa yimid maalmo kadib, markii afartan iyo shan askari oo Imaaraati ah ay ku dhinteen Yemen kadib weerar gantaal oo ay Xuutiga ku qaadeen dhismo hub ku kaydsanaa.

Toban askar Sacuudii ah ayaa sidoo kale weerarka lagu dilay, sida ay sheegeen masuuliyiinta Sacuudiga Sabtidii.

Isbahaysiga uu hogaaminayo ayaa doonaya inay soo celiyaan madaxweynaha oo waddanka ka baxay, kadib markii Xuutiga ay qabsadeen waddanka intiisa badan.

Sida ay sheegtay warfaafinta Imaaraadka, diyaaradaha Imaaraadka ayaa Xuutiga beegsaday dhowr meelood dalka Yemen.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 4,500 ay ku dhinteen dagaalka tan iyo bishii March dhamaadkeedii.

Dowladaha isbahaysiga ayaa la qiyaasayaa inay u direen kumanaan askar dalka Yemen, si xukunka loogu soo celiyo madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi. Waxay ka caawiyeen maleeshiyada koonfurta inay ka qabsadaan Xuutiga magaalada Cadan bishii July. Waxay hadda u soo socdaan dhinaca waqooyiga.