Diyaarada Turkish Airline Oo Markale Maanta Soo Cagadhigatay Muqdisho Kadib Qaraxii Ay Ka Fiigtay

Muqdisho(SLpost)-Diyaarada Rakaabka ah ee Turkish Airline ayaa maanta duulimaad aan hore loosii shaacin ku soo cago dhigatay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho,waxaana ay Siday Xamuul iyo Rakaabka Ay ka soo Qaaday dalka Turkiga

Turkish Airline ayaa Duulimaadkeeda Joojisay Markii Waxyaabaha Qarax ay Ka dhex qarxeen diyaaradaha Dallo Airliness Oo Muqdisho ka Duushay kuna sii jeeda dalka jabuuti.

Xamuul iyo Rakaab ay kasoo qaaday magaalada Istanbuul ee Turkiga ayaa la sheegay inay Diyaaraddu waday, iyadoo Duulimaadka ay maanta Muqdisho ku timid lagu sheegay inuu ahaa mid lama filaan ah, inkastoo dowladda Somalia iyo shirkadda Turkish Airlines aysan weli ka hadlin dib u billaabidda Duullimaadyadii diyaaradda Turkiga laga leeyahay. Sidoo kale, Duullimaadka ay diyaaradda

Turkish Airlines ku Timid Muqdisho ayaa Wuxuu kusoo beegmaya iyadoo Mas’uuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ay sheegeen in la adkeeyay ammaanka guud ee garoonka Muqdisho.

afhayeen Yahya Ustun oo u hadlay Shirkadda Turkish Airlines ayaa horay u sheegay in diyaaradoodu ay u baajisay duullimaadyadii ay Garoonka Muqdisho ku tegi jiray cilimada ama hawada uu xumayd awgeed. Isagoo aan bixin Faah-faahin intaas ka badan.