Diyaarad Ruushka Ku Burburtay Oo Ay Ku Dhinteen Rakaabkii Saarnaa Oo Dhan

Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah ayaa waxa ay ku burburtay magaalada Rostov-on-Don, ee waddanka Ruushka, iyadoo halkaana ay ku dhinteen dhammaan 55 qof ee rakaabka aheyd ee diyaaraddaa saarneyd iyo 7-dii shaqaalaha aheydba, saraakiisha ayaa sidaa sheegay.

w2

Diyaaradan FlyDubai Boeing 373-800, oo ka soo kicitintay magaalada Dubai, ayaa waxa ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu isticmaalaan mar uu duuliyuhu iskudayayay in uu soo fariisiyo diyaaradda abaare 3:50 aroornimo waqtiga maxaliga ah ee saaka, waqtigaasi oo xilliga UK aheyd 0:50 ee saq dhexe.

Ma ay cadda waxa sababay burburka diyaaradda, hasayeeshee araga oo aad u xumaa iyo dabeyla xooggan ayaa loo malaynayaa in ay qeyb ka qaateen shilka.

Muuqaal lagu duubay kameerooyinka la socda dhaqdhaqaaqa garoonka ayaa waxa ay muujinayaan qarax iyo holac weyn kaddib markii ay diyaaraddu burburtay.

“Diyaaraddu dhulkey ku dhacday, jabjab ayeyna u kala googo’day” sidaasi waxaa bartooda internet-ka ku sheegay Guddiga Baaritaanka ee Ruushka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda aanay u suuragelin in ay ku degto iskudeygii koobaad ee ay ku caga dhigan laheyd oo ay dul wareegaysay garoonka muddo laba saacadood ah ka hor inta aanay ku burburin iskudaygii labaad.

Inta badan rakaabkii saarnaa diyaaradaasi oo uu duulimaadkeedu ahaa FZ981 ayaa u dhashay waddanka Ruushka, barasaab gobol ayaa sidaasi sheegay.

Sarkaal kale ayaa sheegay in saddex qof oo ajnabi ah ay ku jiraan liiska rakaabka diyaaradda sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.Lix ka mid ah todobada shaqaale ee diyaaraddaasi ayaanan u dhalan Ruushka, sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda xaaladaha degdega ee Ruushka.