Digniin Culus oo Hawada Loo Mariyey Jaamacadaha Somaliland

Agaasimaha guud ee guddida tacliinta sare Ilyaas Faarax Xasan ayaa kormeer isbarasho iyo indho indhayn ah kusoo maray Jaamacadaha magaalada Hargeysa isaga oo kulamo dardaaran iyo hoga tusaalayn ah la yeeshay, talooyin-na kaga dhegaystay maamulka iyo masuuliyiinta Jaamacadaha.

Wefdiga uu hor kacayo Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare oo ka kooban Agaasime Waaxeedyo iyo isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Guddida Tacliinta Sare, waxa ay kormeerka ku soo mareen Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Hargeysa oo ku hawlan u diyaar-garowga diiwaangelinta ardayda cusub ee sannadkan 2024.

Agaasimaha Guud waxa uu ku baraarujiyey guud ahaan bahda Tacliinta Sare in ay soo galaan ama ay qaataan ardaydii xaqa u lahayd in ay u gudbaan aqoonta heerka Jaamacadeed oo ah ardayda ka baxda dugsiyada sare, waxaanu madaxda jaamacadaha ku war-geliyey in sharciga la marin doono ciddii lagu qabto arday aan soo marin hannaankii waxbarasho ee tooska.

Sidoo kale talooyinka Agaasimaha Guud waxa uu ku daray in tayada tacliinta sare kor loo qaado isla markaana guud ahaan bahda Tacliinta Sare oo ay Jaamacaduhu ugu horeeyaan laga wada shaqeeyo hareerahana la iska taago.

Gebo-gabadii, Agaasimaha Guud waxa uu la socodsiiyey dhamaan Jaamacadaha in sanadkan la bilaabayo Foundation ardayda lagaga caawinayo sidii kor loogu qaadi lahaa luqadda English-ka, isagoo xusay inay jirto baahi weyn oo loo qabo in la helo arday ka dhisan dhanka luqadda English ta oo ay wax ku bartaan.