Diblomaasi Sharaxay Ahmiyada Uu Wasiirka Khaarajigu U Leeyahay Safarada Dibada Ee Madaxweynaha Iyo Faa’iidada Uu Wasiir Sacad U Lahaa Safarka Kuwayt

Hargeysa(Geeska)-Inta la ogyahay taariikhda markii u horaysay, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka tagay wasiirka arrimaha dibadda, isagoo u baxay dal dibadda ah oo u soo diray martiqaad rasmi ah, sida ay madaxtooyada Somaliland sheegtay.

Siilaayo mmmm

Madaxweynaha ayaa jooga dalka Kuwayt oo uu boqorka dalkaasi si rasmi ah ugu martiqaaday, isagoo shalay kulan ay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal madaxweynuhu la yeeshay boqorka Dalka Kuwayt Sheekh Sheekh  Sabaax Al-Axmed Al-Jaberi Al-Sabaax.

Laakiin weftiga Madaxweynaha waxaan ka mid ahayn oo weliba Hargeysa jooga wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, bedelkiisana waxa madaxweynaha weheliya wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo  maareeyaha dekedda Berbera Cali Xoor-xoor.

Sababta uu wasiir Sacad uga mid noqon waayay weftiga Madaxweyne Siilaanyo, isagoo weliba ku sugan caasimadda, ayaa waxa ay rayul caamka ka dhex abuurtay inay su’aalo badan isweydiiyaan.

Haddaba, Diblomaasi ka gaabsaday in magaciisa la sheego, ayaa wargeyska Geeska Afrika u sharaxay ahmiyada uu wasiirka khaarajigu u leeyahay safar kasta oo uu Madaxweynuhu dibadda ugu baxayo, waxaanu Madaxweynuhu wasiirkiisa khaarajiga u kaxaystaa safar kasta oo uu dibadda ugu baxayo oo shaqo, “Waa haddii aanu labadooda [Madaxweynaha iyo wasiirka] ka dhaxayn khilaaf xagga fikirka ahi.” ayuu yidhi diblomaasigani.

Wuxuu diblomaasigani, falanqayntiisa ku soo ururiyay afar qodob, waxaanu isagoo sharaxaya ahmiyada wasiirka arrimaha dibadda uu  yidhi “Haddii aanu wasiirka khaarajigu la socon yaa hadhoow dabo-gal ku samaynaya waxyaabaha ay madaxweynaha iyo madaxda kale ka wada hadleen ama ku heshiiyeen.” ayuu yidhi, waxaanu isagoo sharaxaya sida ay u tahay in wasiirka khaarajigu safarada dibadda Madaxweynaha ku weheliyo uu ku qodobeeyay sidan hoos ku qoran:

1. Waxa dawladda loo tagayo xidhiidh la sameeya oo casuumadda la soo mariyaa wasiirka khaarajiga oo markaas diyaariya safarka iyo weftiga raacaya madaxweynaha

2. Waxa kulmada la geli doona diyaaraiya wasiirka khaarajiga

3. Waa in wasiirka khaarajigu ku weheliyaa dhammaan shirarka rasmiga ah ee uu madaxweynuhu galayo

4. Madaxweynuhu haddii safar rasmi ah uu dibadda ugu baxayo waa inuu raacaa wasiirka kharajigu, hadidi aanay jirin khilaaf xagga fikirka ah oo u dhexeeya labadooda oo la xidhiidha arrimaha loo baxayo.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa intii la magacaabay aan weli safar rasmi ah dibadda u raacin madaxweyne Siilaanyo, waxaanu diblomaasigani isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Wasiir Sacad waxay u noqon lahayd fursadiisii ugu horaysay ee uu ku weheliyo madaxweynaha safar rasmi ah oo dibadeed, waxaanu ka heli lahaa waayo aragnimo iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo muhiim u ah gudashada shaqadiisa.”

Si kastaba ha ahaate waa markii u horaysay ee Madaxweyne Somaliland ah oo dibadda u dhoofayaa uu ka tago wasiirkiisa arrimaha dibadda oo dabcan masuul ka ah siyaasadda dibadda ee Somaliland, iyadoo uu weliba Wasiirkani muddo dhawr bilood ah xilka hayay.

Si kastaba ha ahaate, jawaabta su’aashan ayaa u muuqata inay noqotay mid hal-xidhaale ah, waxase la sugayaa in Madaxweynaha iyo wasiirkiisa khaarajigu ay umadda u kala cadeeyaan  nooca uu yahay socdaalka Madaxweynuhu.

Geeska