Diblomaasi Maraykan ah oo Indhaha Caalamka ku soo jeediyey Somaliland

Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyi jiray Dalalka Guinea iyo Itoobiya Tibor Nagy

Hargeysa (SLpost)- Ku-xigeenkii Xoghayihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, noqdayna Safiirka Maraykanka ee Dalalka Guinea iyo Itoobiya Ambassador Tibor Nagy, ayaa ka hadlay Faraqa u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyi jiray Dalalka Guinea iyo Itoobiya Tibor Nagy

Qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in Madaxda Dawladda Soomaaliya sii wadayaan khiyaamada ay ku sameeyeen Beesha Caalamka, ka dib markii Muddo-kordhin loo sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo muddo-xileedkiisu dhamaaday bishii Februay ee sannadkan 2021.

Advertisement

Nagy waxa uu qoraalkiisa ku yidhi, “Soomaaliya waxay u baahan tahay doorasho, laakiin Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa mar kale khiyaameeyay bulshada caalamka, iyaga oo kordhiyay Muddo-xileedka Farmaajo”

Nagy oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka dayriyey aaminaad la’aanta siyaaaseed ee Madaxda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in haddii ay sii socoto keeni doonta Cawaaqib xumo.

“Way sii wadi doonaan (Khiyaamada) ilaa ay ka dhalanayaan cawaaqib dhab ah” ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey in Bayaankii Somaliland ka soo saartay Xaaladda Soomaaliya ee xilligan aanu ahayn oo keliya Bayaan, balse Somaliland tahay mid hagaagsan.

“Bayaannada Somaliland, ma aha Bayaan oo keliya, balse waxay u muuqataa mid hagaagsan oo ka wanaagsan Soomaaliya,” ayuu yidhi Tibor Nagy.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Follow us On