Dibad-baxyada Ka Socda Itoobiya Oo Maalintii 3-aad Galay Iyo Khasaare Nafeed Oo Laga Soo Sheegayo Inay Ka Dhasheen

Addis-Ababa (SL.Post) Dad badan, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen magaalada Bahir Dar ee ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Itoobiya, kaddib markii ay isku dhaceen Booliiska iyo dad mudaharaadaya.

 

 

 
Jimcihii Booliiska ayaa dad ku xirxiray magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa kaddib markii ay mudaaharaad ka dhigeen

 

 
Dawladda ayaa la kulmaysa mudaaharaadyo waawayn oo ay dhigayaan labada qawmiyadood ee ugu waawayn dalka Itoobiya oo kala ah Oromada iyo Amxaarada kuwaas oo ka cadhaysan arrimo la xidhiidha dhul iyo in lagu tuntay xuquuqdoodii.

 

Dhinaca kalena baraha ay bulshadu ku xidhiidhaan ayaa laga xidhay dalka oo dhan, intaba badana internerka ayaan shaqaynayay tan iyo jimcihii.
Booliiska magaalada Bahir Dar ayaa rasaas cirka u riday ,sunta dadka ka ilmaysa isticmaalay si ay ukala eryaan kumanaan dad ah oo jidgooyooyin dhigtay wadooyinka iyaga oo qaadayo hal ku dhagyo ka dhan ah dawladda.

 

Afhayeen u hadlay maamul goboleedka Amxaarada ayaa sheegay in dadka mudaaharaadaya ay hanti burburiyeen ayna isku dayeen in ay xafiisyada dawladda ka taagaan calankii hore ee Itoobiya.

 

Wararka qaar waxay sheegayaan in tiro dad ah lagu toogtay oo lagu dilay halkaas laakiin tiro rasmi ah wali lama hayo.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay indhihiisu qabteen saaxiibkii oo laamaha ammaanku ay madaxa ka toogteen.

 

Habeenimadii xalay ahayd mudaaharaadyo waawayn ayaa ka sii socday gobolka Oromada ee ugu wayn dalka Itoobiya, booliiskuna dad badan ayay xidheen.

 

Dawladda ayaa mudaaharaadyada ka mamnuucday dalka oo dhan.

 

 

Inkastoo mudaaharaadyadu ka bilawdeen walaac dhanka dhulka, hadana waxaa ku darsamay mawduucyo ay ka mid yihiin takoor, xabsi aan kala sooc lahayn iyo eedaymo sheegaya in la dilayo mudaaharaadayaasha.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa