Dhul-gariir ka dhacay meel u dhow Xeebaha Dalka Soomaaliya (DAAWO SAWIRRADA)

Bosaaso (SLpost)- Dhul-gariir Cabbirkiisa lagu qiyaasay 4.9 Halbeegga lagu cabbiro dhul-gariirka, ayaa Salaasadii shalay gelinkii dambe abbaaro 4:30-kii ka dhacay Biyaha Gacan-ka Cadmeed, gaar ahaan meel u dhow Xeebaha Dalkaasi Soomaaliya.

dhul-gariirSida ay shaacisay Xarunta Macluumaadka Dhul-gariirrada Heer Qaran ee dalka Maraykanka, Dhul-gariirka, ayaa ka dhacay meel u dhow Xeebaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaanay masaafo dhan 126KM dhinaca Woqooyi ka xigtaa magaalada Bereeda oo ah halka uu ku dhamaado Cidhifka Geeska Afrika oo ka tirsan deegaannada Puntland, halkaas oo ah meesha ugu dhow goobta dhul-gariirku ka dhacay.

Macluumaadka iyo Xogaha ay baahisay Xaruntan, ayaa lagu sheegay in dhul-gariirku ka dhacay meel badda hoosteeda ah oo oogada sare ee badda u jirta masaafo dhan 10KM.

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamul-goboleedka Puntland, ayaa goobta Dhul-gariirku ka dhacay u jirta 286km, halka magaalada Mukalla ee dalka Yemen ay u jirto 276KM. Haseyeeshee, khasaare ka dhashay dhul-gariirkan oo ah 4.9 Magtitude oo ah halbeegga dhul-gariirrada lagu cabbiro.

GUJI SAWIRKAN SI AAD U WEYNAYSO

dhul-gariir2Ubucda Dhul-gariirka, ayaa ah meel ay ku kala-baydhaan Biyaha Badda ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, waana marin mashquul ah oo ay maraan maraakiibta Ganacsi ee inta badan ku safra Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Ilaa Immika ma jiro faahfaahin ku saabsan Dhul-gariirka iyo inuu saamayn ku yeeshay Xeebaha Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Xeebaah Dalkaasi Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ah ee ku teedsan badweynta Hindiya, ayaa dhibaatooyin ka soo gaadheen dhulgariirkii Tsunami oo ka dhacay badweynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow dalka Indonesia, kaas oo galaaftay nolosha Boqolaal kun oo qof, kaddib markii mowjadaha baddu ku fataheen waddamada kulaalaya Badweynta Hindiya oo Soomaaliya ku jirto.

LA SOCO WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA…..