Dhul-gariir Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Indonesia

Java (SLpost) – Dhul gariir ayaa ku dhuftay Jaziirada Java ee dalka Indonesia, waxaa ku dhintay ugu yaraan 14 qof, boqollaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 ayaa ku dhuftay magaalada Cianjur ee Galbeedka Java, waxaana dhul gariirku uu gaadhay 10km (6 mayl), sida lagu sheegay xogta la shaaciyay.

Dhul gariirka ayaa laga dareemay magaalada caasimadda ah ee Jakarta oo qiyaastii 100km u jirta, halkaas oo dadkii ku sugnaa dhismayaal dhaadheer laga saaray.

Saraakiisha ayaa ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto iyo suurtagalnimada mowjado biyaha badda ah (Tsunami) oo ku fataha magaalooyinka.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaadhay guryaha iyo dukaamada dadka.

Ugu yaraan 300 oo qof ayaa lagu daweynayaya Cisbitaal ku yaalla Cianjur sida uu warbaahinta Metro u sheegay Herman Suherman oo ah sarkaal ka tirsan maamulka gobolka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net