Dhoolla Caddaynta Hoggaamiyeyaasha Dunidu Waxa Ay Ku Salaysantahay Dhaqanka Bulshadooda

Washington (Slpost)- Inta badan marka ay hoggaamiyeyaasha dalalka kala duwani kulmaan waxyaabaha dhaqso loo dareemo waxaa ka mid ah kala duwanaanshiyo dhinaca anshaxa iyo hab-dhaqanka ah oo dadka badankoodu fahmi waayaan ama xitaa mararka qaarkood uba fahmaan in labada hoggaamiye midkood kan kale xaqirayo ama aanu kulankiisa ku faraxsanayn, wax yaabaha sida aadka ah loo dareemo waxaa ka mid ah dhoolla caddaynta oo laga yaabo in labada hoggaamiye ee kulmaya midkoodna si aad ah ilkaha illaa gawsaha dibnaha ka faydo marka uu dhoolla caddaynta ku soo dhoweynayo dhiggiisa, halka ka kalana in yar oo muusood ah uun debnihiisa laga dheehanayo.

obama and china

Arrintan oo dad badan si qaldan u fasirtaan ayaa haddaba waxaa dhowaan baadhis cilmiya ku samaysay  Jen Tsai oo ah haweenay cilmibaadhe ah oo ka tirsan qaybta Cilminafsiga ee jaamacadda Standford ee dalka Maraykanka, waxa aanay ogaatay in guud ahaanba hab-dhaqanka ay hoggaamiyeyaasha dunidu u macaamilaan, gaar ahaan sida ay u dhoolla caddeeyaan ay aad ugu xidhan tahay dhaqanka dalkooda. Jen tsai waxa ay sheegtay in kala duwanaanshaha qiimaynta dhoolla caddayntu uu mararka qaarkood sabab u noqdo mushkilado diblumaasiyadeed iyo isfahmi waa oo ka dhex qara dalal iyo hoggaamiyeyaal isugu yimid in ay ka wada xaajoodaan ama xal u helaan mushkilad ama ismari waa u dhexeeyey.

Tusaale ahaan dalka Maraykanka siyaasiyiintu waxa ay ku dadaalaan in dhoolla caddayntoodu noqoto mid ballaadhan, laakiin dhiggooda qaaradda Eeshiya gaar ahaan Shiinaha iyo Taywaan waxa ay isticmaalaan dhoolla caddayn miskiinnimo badani ka muuqato. Sababtuna waa dhinaca dhaqanka ee labada bulsho ku kala duwan yihiin. Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey majaladda Emotion waxa ay intaas ku dartay in qosolka siyaasiga ama murashaxu aanu qofka tusayn uun muuqa wejiga oo keliya, balse uu tilmaam u yahay dhaqanka uu ka soo jeedo, iyo akhlaaqdiisa.

Cilmibaadhistan Tsia waxa ay xoogga saartay in ay is barbar dhig ku samayso macnaha iyo xikmadda ku duugan deymada iyo dhoolla caddaynta hoggaamiyeyaasha kala duwan ee dalalka dunida, waxa aanay ogaatay in bulshooyinka marka horeba xamaasadda iyo caadifadda badan lagu yaqaanno hoggaamiyeyaashoodu ay si aad u ballaadhan u dhoolla caddeeyaan, halka bulshooyinka xasiloonida iyo deggenaanta qaddarisa ay hoggaamiyeyaashoodu jecel yihiin in ay mar kasta muujiyaan deggenaan, kibir la’aan iyo qosol muusood debnaha ah ku kooban. Ugu dambayntiina cilmibaadhistani waxa ay ku soo ururaysaa in dhoolla caddaynta aynu ka aragno madaxda dunidu marka ay inooga soo muuqdaan talefishannadu aanay u kala duwanayn heerka farxaddooda iyo furfurnaantooda shakhsiga ah ama xidhiidhka labada hoggaamiye, balse ay ku xidhan tahay dhaqanka bulsho ee ay kala soo kala jeedaan.

Xigasho geeska Afrika